SAFARKA NOLOSHA

 



Nolosha: waxa ka buuxa caqabado waxayna niyad jabisa kuwa aan u soo jeedin riyadooda ama rumaynta riyadooda ayagoo an isku xilqaamin horumarinta noloshooda
. dadka inta badan guulaystaa wa kuwo aan marnaba isu dhiibin nolosha , nolosha bini aadamku waa ay is bedbedeshaaa marnaba kuma siinayso wakhti ku gaar ah ilayo aad qorshayso mooye .dadku way ku kala duwan yihiin qaab nololeedka waana ta sababtay in lagu kala duwanaado horumarinta nafta ama mustaqbalka wanaagsan . la socod ka macluumadka iyo xoga kala duwan ee ku saabsan safarka nolosha waxay ku saamaxaysaa inad is bedel sameyso naf ahaantada .

  • waxyaabaha caajibka leh ee dadka guulaystaa ay sameeyan aya ah :
  • in ay kacaan xilli hore ama wakhti ka horaysa shaqadooda.
  • in ay wajahaan waxyaabaha dadka kale anay qaban karin ama ay ka wahsadaan .
  • samaynta caado ka duwan caadooyinkoodi hore.
is waydii suaashan ma gaadhi kartaa guul ? haa wad gaadhi karta lakiin waa hadba sida aad ka aaminsantahay nafsadaada iyo ku dhiirananta waxyaaba ka hor istaagi kara nolosha safarkeeda .

garashada hankaaga waxay ka caawinaysa inad wajahdo wax kastoo ka hor itaagaya riyadaada , inad hankaga garata waa sifo kamida horumarka noloshada iyo mustaqbalkaga . 
dadka guulaysta waxay u fikiraan si isku mid ah iyagoo hiigsigoodu yahay gaarsiinta dadka kale ay gaarsiyaan cilmiga ay hayaan. 
kuma koobna oo kaliya inad guul la timado waxay u baahantay inad samyso dadaal dheeri ah kasoo aad sare ugu qaadayso heerkaga aqooneed iyo garaadka aad leedahay .

la imaanshaha dhaqanka wanaagsani kama soo hadho aqoonta aad leedahay hadii aad si kasta u gaadho heer sare ama halka ugu mudan in lagaadho haddi uu dhaqankagu aanu wanaagsanayn wali waxad tahay jaahil , waayo qofka aqlaada waangsani waa qof ay jecel yihiin bulshooyinkoo dhami wuxuna ku mutaystay jacelkaas aqladiisa .
aqlaada waangsani waa isku xidhka bulshada qaybaheeda kala duwan taaso dhalisa habdhaqan wanaagsan oo ay kaga daydaan bulshadaasi .

ka du wanaashaha ra'iyga dadka wuxu kuu saaamaxaya inad go'aan saxa siin karto naftada oo aad u ogalaan karto wadada saxan kana duwi karto tan khaldan . ku soco ra'iygaga kuna waafaq waxyaabaha uu ku siiyo ra'iygagu wayo waa kan kaliya ee aad kaga badbaadi karto dadka kale kuna noqon karto mid maamula ayaga kuna qanacsanow oo aaminsanow naftada .




Post a Comment

0 Comments