MAREE NOLOSHAADA

Noloshada hadaf maka leedahay ?



in  badan oo dadka kamida nasiibdaro waxay noloshoodu ku lunta yididdilo, lakiin ma laha qorshe ku dhisan daraaso si ay yididdiladaas u rumeeyaan .

Tom Addison wuxu yidhi ( haddii aan samayn lahayn wax kasta oo aan samayntiisa awoodno waxan sameyn lahyn mucjiso ) .

Kusoo dhawaw walalkayga akhristaha ahow :

Waxa laga yaaba inaad marmarka qaarkood dareento in noloshadu u socoto si ka duwan sidaa aad jeceshay . marka aad dib u eegto sanadihii cimrigaga ka tagay waxaad dareenta inaad gaadhin meeshii aad rabtay inaad gaadho . waxad eegtaa mustaqbalka waxanad ilaahay baridaa inuu kugu galadaysto awood iyo tamar aad ku samayso wixii hore aad u kari wayday.

# KALSOONIDA NAFTA

Marka aad qoroto hadafkaga oo dejiso qorshahaaga waaxad arkaysaa in kalsoonida naftaadu ay si weyn u kordhayso . kalsoonidani waxay la kordhaysaa markasta oo naftaada mamulkeedu ay korodho oo aad awood u hesho xaqiijinta hadafkaaga . ( ruux naftiisa ku kalsoon ma jirto cid ka hor istaagi karta oo ka joojin karta waxa uu doonayo )

# SARAYNTA NAFTA

Ruuxa qiimihiisu wuxu ku xidhan yahay kolba waxa uu xaqiijo inta ay le,egtahay oo ah hadaf sare , Oo marka uu xaqiijo hadaf hadana mid kale usii gudba .

Xaqiijinta hadafku waxa ay ruuxa ku aabuurtaa ixtiraam naftiisa iyo qadarinteeda iyo in ay rumaysato awoodeda .

Waxanad arki doontaa in caqabaadka kus soo wajahayaa ay xamaaskaga kiciyaan si aad qorshe fiican oo kale ugu fikirto , taas oo kaa caawinaysa in maskaxdaadu si balaadhan u fikirto oo fikirkaagu furmo .

Post a Comment

0 Comments