ARAGTIDA MUSTAQBALKA

 ARAGTIDA MUSTAQBALKA :

Guulaha iyo wax soo saarka cusub ee manta la gaadhay waa riyadii shalay . haddii aad u fiirsato waxyaabaha kugu xeeran sida dhismayashaa dhaadheer,marakiibta,diyaaradaha,talafoonada,internatka iyo idaacaduhuba waxay shalay ahayeen riyo ku jirta maskaxda mid kamida kii daahfuray. Riyadu waa meesha ay ka bilaabmato guul kastaaba waa cusurka ugu horeeya ee waxqabadka. Waxa xusid mudan iyadoo anay riyadeenu xudud lahyn.

Wuxu yidhi alber ayniston: ( riyadu waxay ka muhiimsantahay aqoonta )

Wuxu yidhi france bicon : ( riyadu waxay qaabaysaa caalamka ama ay qurxisaa caalamka )

Waraysi uu la yeeshay talafiishanku maxamed ali kalay ayaa la waydiiyay : dariiqada uu ku gaadhay guusha intaa le’eg wuxuna ku jawaabay : ( waxan bartay mudo hore inan noqdo qof leh karti aad u saraysa , taas kaliya kuguma filnaanayso lakiin waa inaan yeesha maskax leh malaysi aad u sareeya iyo riyo ) .

 farid smith wuxu ahaa aas aasihii shirkada fedelaral express arday jaamacada bill ee merican ku tala dhigta . waxa dhacday in maadooyinka jaamacada mid kamida ardayda laga dalbaday inay soo diyaariyaan mashruuc ka turjumaya riyadooda mustaqbalka marka farid smith wuxu qoray qorshe shirkadeed oo faahfaahsan oo ku saabsan in warqadaha la isku diraayo la gaadhsiyo meel kasta oo caalamka ka tirsan , isla maalinta labaadna uu ruuxu qadan karo macalimiintiisii waxay u aragtay in fikirkasi inuu aad u fogyahay oo aan marnaba suuragal ahayn; waxayna u sheegeen in cid u baahan adeegaasi aysan jirin.

Smith ra’yigoodii niyab jabka laha dhag uma dhigin , riyadiisiina wuu bilaabay inuu fuliyo, wuuna bilaabay mashruucii.tijaabadii u horeysay waxay ka koobnayd 8 bushqadood 4 kamida asaga aya diray mashruuca bilowgiisiina wuxu ku khasaray lacag aad u badan . dadkuna waxay bilabeen inay guuldaradiisa ka sheekeeyaan,lakin isagu fikirkiisa wuu aaminsanaa kuna qanacsanaa wuuna waday shaqadii ila ay shirkadiisii noqotay ta manta loo yaqaan federal express ee qiimaheedu aadka u sareeyo, taasina bilowgii waxay ahayd oo kaliya riyo.

Post a Comment

11 Comments

Kuso dhawaw wll sakariyeblogpost waxan kuso gudbiya halkan akhbaarko kala duwan sida fitness, health and motivation marka si aad wax badan u ogayo fadlan boqo qoraladan hoose mahdsanid