WAKHTIGA

 

WAKHTIGA



( inad ka xorowdo khuraafaadka ku odhanya waqti igu filan ma haysto, waan mashquulsanahy , waa arinka ugu horeeya ee aad ku hanan karto nolol habaysan iyo ka faaidaysashada wacan ee wakhtigaaga iyo noloshaada si guud ahaaneed ) “ dictor ibraahim alfiqi ‘’

Waqtigu waa shayga ugu qaalisan ee nolosheena , inkastoo aan ku takhasusay dayacadiisa iyo limintiisa , inaga oo aan ogayn inan nahay qaar nafteena sidaa ku dilaya , waayo waqtigu waa noloshii dhan .

Waxa jira khuraafad bulshada dhexdeeda aad ugu fiday ( waqti ma haysto ) . waxan arkaynaa mid odhanaya ( maalin uun ban heli doona waqti igu filan si , aan u dhamaystiro wixi iga qabyo ah , maalin uun ban heli waqti aan reerkayga la qaato , maalin uun baan heli waqti aan kitaabka ku akhriyo)

Hadaba mushkiladu ma tirada saacadaha aanu haysano Ayaan inagu filnayn ? mise mushkiladu waxay tahay inagaan nidaamsan waqtigeena si aan uga faidaysano ?

Waxaa la isku waafaqsan yahay in aan dhamaanteen haysano 24 sacadood malintiiba,qaniga,faqiirka,ka farxaanka ah,ka murugsan,iyo ka xashiishka guraba,inkastoo aan haysano waqti isku mid ah hadana waxan ku kala duawan nahay ka faaidaysashada .

MAXAN UGA DANLEENAHY WAKHTIGA?

Waxan jecelahy inan cadeeyo mushkilada dhabta ah ee ina haysata maaha waqti la’aan ee waa maamuul xumo iyo faa;idaysi la;aana waqtiga iyo qabasho la’aanta wixii munaasibka ahaa inan qabsano

Ka xorowga quraafadka odhanaya waqti ma haysano , shayga u horeeya ee aynu doonayno inan ka xorayno taas oo inoo horseedaysa nolol habaysan iyo faa’idaysi wacan oo waqtigeena ah .

Ma jiro ruux caaqil ah oo waqtigiisa si fudud ku lumiya , maxaa yeelay taasi waa noloshiisii oo uu dilo , amase sida uu yidhi caalimka weyn ee xasan albasri ( ina aadanoow, waxaad tahay maalmo la ururiyay , marka maalin tagto adiga badhkaa mida ayaa tagay ) . caaqilku waa ruuxa waqtigiisa si nidaamsan uga faaidaysta oo diida inuu arimo aan faa’ido lahayn waqtigiisa ku lumiyo cimrigiisana ku dayaco. 

Post a Comment

3 Comments

  1. Xaqiiq waan kugu hambalyaynayaa sida wacanee aad u qortay sakariye keep going 💪 ♥

    ReplyDelete
  2. wan kugu hambalyaynayaa qoraalkaaga kan mannfaca lehe aad soo gubisay

    ReplyDelete

Kuso dhawaw wll sakariyeblogpost waxan kuso gudbiya halkan akhbaarko kala duwan sida fitness, health and motivation marka si aad wax badan u ogayo fadlan boqo qoraladan hoose mahdsanid